Nairobi Law Monthly oo ah majallad laga leeyahay waddanka Kenya, ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in xiritaanka howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNTMIS uu sare u qaadayo walaaca laga qabo amniga dowladaha Kenya iyo Soomaaliya.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa ku dhawaaqay in UNTMIS uu sabtida soo aaddan uu soo afjarayo howlgalkiisii uu Soomaaliya ka waday muddada ka badan 30-ka sano, kaddib hannaan xil-wareejin ah oo socday muddo laba sano ah.
"Munaasabad ayaa 26-kii Oktoobar lagu qabtay Muqdisho, waxaana ka qaybgalay mas’uulka ku-meelgaarka ah ee UNTMIS, Raisedon Zenenga, iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac….” Ayaa tiri majalladdu.
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee isbahaysiga AUSSOM, ayaa isna muddada loo asteeyey ay ku egtahay 31-ka Diseembar 2026. Waxaanay majalladdu xustay in kala-guurkuna uu kusoo aadayo xilli walaac amni uu soo food-saaray ciidamada Kenya.
Meelaha ugu daran ee ciidamada Kenya ay cabsida xooggan ka muujiyeen ayay majalladu ku tilmaantay gobollada NFD, ee ku hoos-jira gumaysiga maamulka Nairobi, halkaas oo ay sheegtay in ay ka socdaan weerarro laayaan ah oo ay fuliso kooxda Al-Shabaab.
Nairobi Law Monthly waxay si gaar ah u xustay gobolka Mandheera, oo ay tilmaantay in ciidamada Kenya ay kala kulmayaan ammaan-darro weyn, kadib markii dhawaan ay ka dhaceen weerarro lala xiriiriyey dagaallamayaasha Al-Shabaab.
"Amniga waqooyiga Kenya ayaa weli ah arrin walaac laga qabo. Gobolka Mandheera waxaa bilihii u dambeeyay ka dhacay weerarro badan oo ay fulisay kooxda mintidiinta ah ee Al-Shabaab….waxaa jiray weerarro kale oo badan oo dhacay…” Ayay tiri warbixintu.
Sida majalladdu ay ka sanqarisay, hawl-galladan ayaa caqabad ku noqday muddo 13 sano ah, qorsheyaal ay dowladda Kenya ka damacsanayd in ay ka fuliso dhulka ay xoogga ku haysato ee NFD, oo horeyna ay xasuuqyo bahalnimo ah uga geysatay.
Madaxweyne William Ruto ayaa horey u sheegay in walaaca amni uu yahay caqabadda ugu weyn ee ka jirta gobolladaasi, iyadoo arrintaasi ay sidoo kale qireen mas’uuliyiinta daba-dhilifka ah ee Kenya ugu magacaaban gobollada Mandheera, Wajeer, Gaarisa iyo Laamu.
Si kastaba, majaladdu waxay hoosta ka xariiqday in xiritaanka UNTMIS, uu culaysyo hor leh saarayo xukuumadda taagta daran ee Muqdisho, isla markaana uu sii xoojinayo walaaca dhinaca amniga la xiriira ee ka jira gobollada NFD ee ku hoos-jira gumaysiga Kenya.
